Madaxweynaha Ruushka Putin ayaa ku Nuux nuuxsaday in aysan qorshaha ugu jirin ay weeraraan Dal kamid ah NATO, POLAND, Dalalka Baltic ama Jamhuuriyada Czech balse badalkeeda uu sheegay hadii Reer Galbeedka ay siiyaan Ukraine Diyaarada F16 ay soo ridi doonaan Ciidama Ruushka.
Duulaankii Ruushka
Duulaanka Ruushka ee Bishii February 2022, ayaa abuuray xasaradii ugu xumeyd abdid ee xiriirka Ruuska iyo Reer Galbeedka tan iyo saxaradii Gantaalada Cuba ee 1962 dii. Mar uu la hadlaayay Duuliyaasha Ciidama Cirka ee Ruushka Putin wuxuu sheegay in isbaheysiga Maletiri ee Mareykanka uu hogaaminaayo ay isku fidinayaan dhanka bari ee Ruushka tan iyo dhicistii Midowga Soofiyeeti ee 1991dii balse Ruushka aynan qorshaynaynin in ay weerarto dal ka tirsan NATO. "Malihin Ujeedooyin gardaro ah oo ku wajahan dalalka ayuu yiri Putin sida ku cad qoraal Kremlin uu baahiyay Khamiista maanta ah.
Fikrada ah inaan weerari doono qaar ka mid ah dalal kale - Poland, dalalka Batric iyo Czech ee laga baqaayo waa wax aan micno lahayn. waa un nacasimo.
Kremlin-ka oo mareykanka ku eedeeya in uu la dagaalamayo Ruushka, isagoo ku taageeraayo Ukraine lacag, hub iyo Sirdoon intaba, ayaa sheegay in Xiriirka Washington uu marayo halkii ugu xumeyd abid.
Putin oo ku hanjabay ina ay soo ridi doonaann Diyaaradaha F16
Mar wax laga weydiiyay diyaaradaha dagaalka F-16 ee reer galbeedku ay balan qaadeen in ay u diri doonaan Ukrain Putin, waxaa uu sheegay in diyaaradaha noocaan ah aysan waxba ka bedali doonin xaalada Ukrain. Hadii ay siiyaan F-16, arintaan ay ka hadlayaan , oo ay u muuqdaan inay tabaarayaan duuliyaasha, tani ama baddeli doonto xaalada furimaha dagaalka ayuu yiri Madaxweynahan Ruurshka ee Putin.
Waxaan u burburin doonaa diyaaradaha sida aan maanta u burburinay taangiyada, baabuurta gaashaaman iyo qalab kale oo ay ku jiraan gantaalo fara badan.
Putin ayaa sheegay F-16 Waxa ay xambaari karaan
Putin ayaa sheegay in diyaaradaha F-16 ay sidoo kale xambaari karaan hubka Nukliyeerka. "Dabcan hadii lagu istimaali doono garoomada Diyaaradaha ee dalal saddexaad, waxay noo noqon doonaan bartilmaameedyo sharci ah meelkasta oo ay ku yaaliin " ayuu yiri Madaxweynaha Ruusha Putin.
Hadalka Putin ayaa daba socday hadal uu goor hore oo maanta ah jeediyay wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Dmytro Kuleba oo ahaa in diyaaradaha F-16 ay soo gaari doonaan Ukraine bilaha soo socda.
Ukrain, oo hada in ka badan laba sano ku jirta dagaal buuxa oo ka dhan ah Dowlada Ruushka, ayaa raadinaysay F-16 mudoo bilo ah.
0 Comments