Raysal Waraasha Faransiiska ayaa sheegay in Dowlada ay Maxkamad La tiigsan doonto Gabar yar inay si been abuur ah macalinkeeda ugu eedaysay inuu ku amray Dhigiga xijaabka kadib Muran dhexmaray Macalinka iyo Gabadha yar. Macalinka ayaa ku adkaystay in ardayadiisa ay bixiso Xijaabka ay xiran tahay ayada oo iskuulka dhex joogta sida uu sheegay ayada oo la raacaayo Sharciga Dalkaas u yaalo. Kadib wuu iska casilay Macalininmada Kadib markii loo mariyay hawada ama baraha bulshada sidaad u taqaaniinba hanjabaado dil ah.
Maxay tahay sababta uu macalin isku casilay.
Qatarta islaamiyiinta ka imaanayso ee ku wajahan iskuulada Faransiiska ayaa si dhab ah loo qaataa kadib dilal horay loogu geystay laba macalin. Samuel Patyayaa lagu gowracay Wado ku taalo Magaalada Paris ee Caasimada dalka faransiiska sanadkii 2020kii sidaa si lamid ah ayaa Dominique Bernard lagu dhex dilay iskuulkiisaoo ku yaalo xaafada Arras (5) shan billod kahor.
Macalinkaan Iskuulka Paris oo aan la shaaacin magaciisa sababa jiro owgeed, ayaa go'aankiisa ku dhawaaqay kadib email uu u diray maalinimadii jimcaha ahayd saaxiibadiis ay iskala shaqeeyaan ee Maurice Ravel Lycee oo ku yaalo degmada 20aad ee Paris.
Waxaan ugu danbeyn qaatay inaan joojiyo howlahayga "ayuu yiri wuxuuna intaas ku daray anigoo u cabsi qabo badqadkayga iyo tan iskuulka". waxan tagayaa kadib todoba sano oo aan si buuxda waqti ugu qaatay agtiina iyo 45 sano oo aan waxbarashada bulshada kujiray "ayuu qoraalkiisa ku sheegay asagoo saaxiibadiis ugu mahadceliyay taageerada ay u muujiyeen sadaxdiida ee la soo dhaafay.
Goormee ayey dhacday arintan
Arintan oo dhacday February 28deeda ayaa macalinka sadax gabdhood oo ardadiisa kamid ahaa u sheegay in ay u hogaansamaan sharciga ayagoo iska dhigaayo Xijaabka. Laba kamid ah ayaa u hogaansantay amarkiisa halka mida kalana ay diiday amarkiisa waxaana halkaas ka dhashay dood adag.
Maalmo kadib, Madaxda iskuulka ayaa baraha bulshada loo soo mariyay hanjabaad dil ah taasoo dugsiga ku wargaliyay dhanka qadka teleefonka Wasaarada Arimaha Guddaha ee dalka Faransiiska, ayadoo isla markiiba loo xiray labo qof hanjabaadaas lamana shaacin magacyadooda balse wasaarada Waxbarashada dalkaas ayaa sheegtay in aysan wax xariir ah la lahayn iskuulkaas.
Booliska ayaa loo diray in ay roonda ku sameeyaan agagaarka iskuulka kaas oo sidoo kale uu booqday Wasiirka Waxbarashada Nicole Belleubet. Saraakiisha meeshaas tagtay ayaana helin wax caddeyn ah oo muujinaayo in macalinka uu gabadha ku amray arintaas.
Hadaba markii ay halkaas mareyso waxaa soo galay arinta Raizul Wasaare Gabriel Attal oo yiri "Dowlada waxay mar walba garab istaagi doontaa masuuliyiinta kuwa safka hore kaga jiro isla markaana la kulmo xadgudubyadan calmaaniyada, isku dayga islaamiyiinta soo gelitaanka xarumahayaga waxbarasha ayuu yiri.
Hadaba Siyaasiinta Maxay ka dhaheen
Siyaasiinta garabka bidix iyo midig ee faransiiska ayaa muujiyay sida ay ugu xun yihiin in xirfada macalinka la ixtiraami waayo iyo in la soo afjari waayo olalayaasha naceybka ee ka socda internetka.
"Dowladan ma awooda in ay ilaaliso dugsiyadeeda" ayey tiri Marine Le Pen oo ka tirsan xisbiga midigta adag ayada oo ku soo qortay aalada X ee hore loo oran jiray Twitter. Tani waa meesha ay ku dhamaanayso Siyaasadaada markii aad tiraahdo ha sameyn Mowjido. Tani waa meesha dhamaan kuwa yaryar ee isku dhiiba ay horseedaan " ayuu yiri Bruno Retailleau oo ka tirsan Jamhuuriga dhexe ee Midigta.
Siyaasiinta xisbiyada ayaa u muuqda inay si wada jir ah u dhaliilayaan shaqa ka tagista ah ee macalinka. " Waa wax aan la aqbali karin markuu macalinku shaqada ka tago sababa la xariira Hanjabaad dil ah, waa guul daro wada jir ah" ayuu yiri Boris Vallaud oo ka tirsan xisbiga Socialist Party.
Tan iyo markii ay dhacdadan dhacday, dhowr iskuul oo ku yaalo Paris ayaa lagu qasbay in la xiro kadib markii ay bateen hanjabaadaha loo soo jeedinaayo. sidaas si lamid ah todobaadkii hore ku dhawaad soddon dugsi oo kale oo ku yaalo agagaarka Paris ayaa la kulmay hanjabaado kala duwan oo loo diray. Laakiin barayaasha waxay ku qasbanaan doonaan inay si dhab ah u qaataan hanjabaayada kaga imaanaayo kooxaha kale.
0 Comments