Horyaalka Primer league ayaa Maraayo Meeshii ugu xiisaha badnaa Isbuucii 32 (Week 32)
Horyaalka Primer league ayaa maraayo meeshii ugu xiisaha badnaa, waxaana lagu tilmaaya xili ciyaareedka ugu adkaa 2023/2024 maxaa yeelay ayadoo uu gaba gaba yahay hada sadaxda team ee isku hayo horyaalka ay kala horeeyaan hal dhibic ama gool difference waxaa loo yaqaano oo ah inay goolasha ay ku kala horeeyaan.
Hadaba Maanta waxaa dhici doona ciyaaro aad u xiiso badan maanta oo sabti ah iyo maalinta xigta oo axad ah, ciyaaraha maanta dhici doona waxaa kamid ah.
Sabti ( Saturday 13/04/2024)
- Newcastle Vs Tottenham
- Brentford Vs Sheffeld United
- Burnley Vs Brighton
- Manchester City Vs Luton Town
- Nottingham forest Vs Wolves
- Bournemouth Vs Manchester Unted
Axad (Sunday 14/04/2024)
- Liverpool Vs Crystal Palace
- West Ham United Vs Fulham
- Arsenal Vs Aston Villa
Maadaama uu maraayo Horyaal meel xasaasi ah ayna ka dhiman tahay Sideed Kulan oo ay ku jiraan kulamada maanta aad la iskugu dhow yahay adiga ahaa saadaashaada ka dhiibo nagula soo wadaag qeybta commentiga.
Saadaasha laga bixinaayo ku guuleysida horyaalka waxa ay qorayaan sida in ay Manchester City ay haysato 39% , Liverpool oo haysato 31% halka ay Arsenalna ay haysato 30% Laakiinse waan ogaan doonaa teamka uu saacido Waayaha.
Walee ma sahlana howsha aan aragno meesha ay ku biyo shubata ma M.City, Liverpool ama Arsenal mid ayaan un ruxi doona.
Sidoo kale isla isbuucaan waxaa dhici doona ciyaaraha Champions league asaga wuxuu marayaa 8aad dhamaadka lugtiisa labaad ayaa la ciyaari doonaa habeenka talaada iyo arbaca waxaa laga rabaa in ay soo baxaan afar team oo u soo gudbi doona Semifinal. Hadaba lugta labaad waxaa wada ciyaari doona teamamka kala ah:-
Talaada oo ay taariikhdu tahay 16/04/2024
- Barcelona Vs Paris Saint German oo lugtii hore gurigooda looga soo badiyay 2- 3
- Borussia Dortmund Vs Atletico Madrid oo gurigooda ku badiyay 2 -1
Arbacada oo ay taariikhdu tahay 17/04/2024
- Bayern Munich Vs Arsenal oo ku kala soo baxay 2 - 2
- Manchester City Vs Real Madrid oo ayaga ku soo kala baxay 3- 3
0 Comments