Responsive Advertisement

Doorashada Koonfur Afrika - Ma is leedahay Waxaa guulaysan doona Xisbiga ANC Mise wuxuu la kulmi Doonaa loollan Adag.



Doorashada Koonfur Afrika

Sida aynu wada ogsoonahay waxaa ka jirto Dalka koonfur afrika Doorasha. Iyadoo la adeegsanaayo hal kudhiga ah " Waan guulaysanayanaa" ayuu xisbiga haya talada wadanka Koonfur afrika waxaa uu soo gabagabeeyay isu soo bixiisii ugu danbeeyay ee olo'laha doorashada maalinkii sabtida ahayd asagoo haysta rikoorka ah in rodobo jeer oo xariira uu  talada dalka qabtay.Laakiin waxay u muuqataa in xisbiga sidii hore aanu u guuleysan doonin doorashadan marka laga reebo booorrarka tayadoodu liidato iyo garamada ay xiraanyeen taageerayaasha xisbigu waxay ku guuldareysteen in ay buuxiyaan garoonka kubadda cagta ee taariikhiga ah ee magalada Soweto oo kuraastiisu dhan tahay 90.000 oo kursi.

Rayi ururinta doorashada ayaa sheegeysa in xisbiga ANC uu weyn doono aqlabiyadiisa barlamaanka markii ugu horreysay tan iyo markii uu soo dhamaaday xukunkii caddaanka laga tirada badan yahay 30 sano kahor iyagoo cod bixiyaashu taasi ugu jawaab celinayaa in ugu wacan tahay musuqmaasuq baahay ee dowladda dhexdeeda ka jira iyo shaqo la'aanta heerkeedii ugu sareysay abid gaartay.

Hadaba sidaas oo ay tahay marka la eego tirada ka qeyb galay isu soo baxa oo u dhaxeysay qiyaas ahaan 60,000 ilaa 70,000 ayaa ahayd mid lala yaabo, wuxuuna Mr. Ramaphosa uu ugu dhaeaaqay in xisbigiisu u diyaarsan yahay in uu soo hoyn doono " guul la taaban karo" doorashada dhici doonta maalinka arbacada. Qaar kamid ah taageerayaasha xisbiga ANC ayaa watay naxashyaada Xisbiyada mucaaradka oo uu kamid yahay xisbiga uu sameystay dhawaan Madaxweynihii hore Jacob Zuma ee Mkhonto weSizwe. " Zuma waa khaain weyn" sidaa waxaa Khalifmedia u sheegtay Manelisi Zulu 82 Jirkaan horey u soo noqday Madaxweyanaha ayaa dhabarka ka wareemay Xisbiga ANC markii uu  isaga baxay bishii December kuna dhawaaqay in uu sameystay xisbi kale.

Manelisi Zulu ayaa sidoo kale waxay sheegtay in Xisbiga Zumu aanu wax mustaqbal ah lahayn " maanta waxaa qaban doonaa tacsidiisa 29 May, ayaana aasi doonaa" Ra'yi ururinta doorashada ayaa bixisay sawirro kala duwan, waxay sheegaysaa in xisbiga MK uu heli karo codad u dhexeeya 8% iyo 13% doorashada guud, taasoo ka hor istaagi doonta ANC in ay aqlabiyad ku yeelato barlamaanka. Waxaa suurtagal ah in xisbigu noqdo kan ugu weyn gobolka uu ka soo jeedo Zuma ee kuwa Zulu -Natal, soona gabagabeyso alabiyaddii badanayd ee uu muddaba ku lahaa xisbiga ANC.

Isagoo taa og ayuu mr Ramaphosa waxa u weerar afka ah ku qaaday ninka uu bedalay isagoon magac dhabin " Kuwii awoodi waayay in uu xisbiga ANC cusboonaysiiyo ayaa naga tagay" ayuu yiri Ramaphosa ayaa intaa ku daray in lacagtii la xaday intii xukunka la joogay - waa eray bixinta ay isticmaalayaan muwaadiniinta reer koonfur Afrika si ay u qeexaan musuqii weynaa ee dhacay xiligii Zuma - waxaa soo celinaynaa hay'addaha sharci fulinta iyo isku dayi " Khayaano" iyo burburin waaxyaha canshuuraha oo la joojiyay" Ramaphosa waxa kale oo uu intaa ku daray" dadku waxay noo shegeen in ANC uu yahay ururkoodii waxay noo sheegeen in ay jecel yihiin ANC waxay noo sheegeen in aanay ogalaan doonin in ururkooda ay xadaan dambiiyayaal iyo kuwa ka soo horjeeda kacaanka" Laakiin Madaxweyaha laftigiisa ayaa la kulmay fadeexad weyn 2002kii kadib markii ay soo baxday in lacag gaaraysa $580,000 oo kaash ah uu ku qarsaday beertiisa ciyaarta, markii dambena lacagtaasi ay dhaceen koox burcad ah.

Koox khubaro sharciga ah ayaa loo magacaabay in ay daadihiyaan dacwad xil ka qaadis lagu sameyn lahaa Ramaphosa, Laakiin xisbiga ANC ayaa hor istaagay isagoo ka faaideysanayaa aqlabiyadda uu ku leeyahay baarlamaanka Mr. Ramaphosa ayaa iska diiday in uu wax qalad ah sameeyay, halka baaritaano kala duwan la furay , waxaana ku jiray mid uu sameeyay dacwad oogaha guud ee koonfur afrika - waana lagu bari yeelay. Si kastaba ha ahaantee boolisku illaa hada daaha kama rogin natijada ka soo baxday baaristooda.

Intii uu socda isu soo baxa weyn taageerayaasha xisbiga ANC waxay meesha ka saareen eedeymaha la xariira lacag dhaqidda ee ka dhanka ah Madaxweynaha" waxay ahayd faji loo dhigay Mr Ramaphosa si uu ugu muuqdo qof xun, Isagu waa Madaxweynihii ugu wanaagsanaa ee aan helno " ayey Khalifmedia u sheegtay Thando Matidza oo ku adkeystay in uu xididada u siibi doono musuqmusaqa Xisbiga gudihiisa ka jira.

Rayi ururin la daabacay bishii hore ayaa muujinaysa in musuq maasuqu yahay arinta labaad ee ugu weyn ee ay welwelka ka qabaan dadka koonfur afrika, marka laga soo tago maqnaanshaha korontada oo marrarka qaarkood ugu tagta guryaha iyo goobaha ganacsiga koronto la'aan muddo 12 saacadood ah maalintii.

Sikastaba ha ahaatee ma jirto koronto go'day ku dhawaad labo bilood oo xariira illaa hadda, taasoo keentay in dadka dhinaca aan wanagasaneyn wax ku eega ay ku sheegaan mid xisbiga ANC ku doonaayo in uu indhaha ugu leexiyo dadka inta olalaga doorashada uu socda - marka doorashadu dhamatana ay go'idoonto korantadu Ramaphosa ayaa sheegay in hadda xarumaha korontada" si wanaagsan loo  dayactiray" iyo shaqo wanaagsan" oo la qabtay si loola falgalo dhibaatada dhinaca tamarta ah oo la dhameytiri doono" muddo xileedka soo socda ee ANC in kastoo dhibaatooyin badan ay wajahayso Koonfur Afrika , sidoo kale waxaa jira biyo yari iyo xaaladda wadooyinka iyo kuwa tareenada oo sii xumaanaaya , Laakiin ANC waxay baaqi ku sii ahaan doontaa xisbiga ugu weyn xitaa haddii uu ku guuldareysto in uu ka gudbo 50% wax wal bana waxaa la ogaan doonaa dorashada kadib.

Post a Comment

0 Comments