Erik Ten Hag ayaa sameeyay kiis lagu qanci karo si looga badbaado cayrinta iyadoo Manchester United ay ka careysiisay Mancherster City si ay u qaado FA-Cupka Markii ay 2- 1 kaga badiyeen sabtidii finalka. Ten Hag ayaa lagu soo waramayaa in la eryay iyada oo aan loo eegin natijada wembley kadib olale dhib badan oo xitaa maamulaha united uu ku tilmaamay mid aad u xun todobaadkan.
Laakiin madaxa United ayaa looga yaabaa inay lahaadaan fikrado labaad kadib markii Ten Hag taatukada Masterclass uu buriyay dalabkii taariikhda City. City ayaa hayd kooxda ugu cadcad inay ku guulaysato koobkii labaad ee isku xigta ee Permier League iyo FA CUP.
Sidaas oo ay tahay Ten Hag waxaa uu helay hab uu ku dhex dhexaadiyo Kooxda Pep Guardiola iyadoo goolasha qeybtii hore ee ciyaarta ay kala dhalyeen Alejandro Garnacho iyo Kobbie Mainoo ay Man -United u sahashay hanashada Koobka FA-Cupka markuu ugu horreysay muddo siddeed sano ah. Jeremy Doku ayaa daqiiqadii 87aad ka dulqaaday isku daygii daciifka ahaa ee Andre Onana laakiin waxaa ay ahayd goor danbe in la badbaadiyo City.
Isagoo si heersare ah u soo afjaray xili ciyaareed rabshado wato, hadii labada sano ee xukunka Teh Hag uu dhamaado, bixitaankiisa ayaa kicin doona xasuusta saaxiibkiis reer Holland Louis van Gaal ee Old Trafford. Van gaalayaa shaqada laga eryay laba maalmood uun kadib markii ay United Finalkii FA Cupka ka badisay Crystal place 2016dii.
Teh Hag ayaa rajeenaaya in isbarbardhiggu ugu habboon uu yahay Alex Fergususan 1990kii Finalka FA Cupka ee uu ka qaaday Place, kaasoo bilaabay orodkiisa cajiibka ah kadib markii uu ku baaqay in la ceyriyo horaantii xilli ciyareedkaas. Fergusan waxaa uu ka soo qaybgalay ciyaar lagu calaamadiyay aaska Teh Hag ii usy bedashay guul uu u soo hooyay ninka reer Holland ee aadka loo caayay.
Saamilaha United Jim Ratcliffe, kas oo gacanta ku haya howlaha Kubadda cagta ee Old Trafford, ayaa sidoo kale tarabuunka ka daawanayay Mulkiilayaasha Joel iyo Avie Glazer. Waxaa lala xariirinayaa Thomos Tuchel, Mauricio Pochettinio iyo Gareth Southgate, iyo kuwa kale, waxaa jira waxyaavo badan oo uu Ratcliffe ka fikiri karo kadib markii United ay ku dhameysatay Kaalinta Sideedaad ee Premier League xilli ciyaareedkan -booskoodii ugu danbeeyay ee ugu hooseeta tan iyo 1990kii oo ay kaga soo horeen Champions league ee group-ka Isteejka.
Teg Hag ayaa aaminsan in liiska dhaawacyada ee dheeraa uu ahaa asalka dhibaatada wuxuuna tilmaamay in labadii koob ee uu kula guulaystay 3dii koob ee ugu danbeysay ee Man United taas oo cadeyn u ah waxa uu samayn karo marka kooxdiisu awood buuxda leedahay. Ten Hag ayaa soo afjaray abaartii lixdii sano ee United ay ku heysay koobka league Cup sanadkii hore, waxaana uu haatan ka aarsaday guuldaradii 2-1 ee ka sii gaartay City finanlka FA Cupka 12 bilood ka hor inkastoo ay 31 dhibcood ka dambeeyaan kooxda heysato horyaalka Xilli ciyaareedkaan.
United ayaa sidoo kale u soo bixi doonta Europa League, iyadoo oo ka fogaanaysa xilli ciyaareedkii ugu horeeyay ee ay ka maqnaato Yurub tan iyo 2014 -2015tii. Waxaa ay ka faaiideysteen qaab ciyaareed aan caadi ahayn oo xamaasad leh oo City ah iyadoo dalabkiida laba jibaaraan ay si tios ah u dhaceen guuldaradii ugu horeysay ee gudaha tan iyo guuldaradii Aston Villa ee horyaalka 171 maalmood kahor.
Isbuucii hore, City ayaa noqotay kooxdii ugu horeysay ee ku guuleysato Premier League afar xilli ciyaareed oo xariir ah. Laakiin ragga Guardiola waxay u muuqdeen gaajo kadib dabaaldegii raacay horyaalkoodii lixaad todobadii sani ee la soo dhaafay. City ayaa ugu carootay markii rafcaanka rigoore ee xooga laga diiday daqiiqadii ugu horeysay kadib markii uu kubad u soo tuuray Lisandro Martinez uu u diray Erling Haaland.
Man United ayaa si qoto dheer u fadhiisatay iyada ii dhamaan -ka nin ay kubadda ka danbeeyeen, United ayaa si cajiib ah u caburisay City waxayna si farxad leh u aqbashay goolkii furitaanka ee hadiyada lagu soo duubay daqiiqadii aad. Weeraryahankii Diogo Dalot waa in uu la macaamilo Josko Gvardiol, Laakiin daafaca bidix ayaa ka labalabeeyay markii uu raadinayay calan offside ah.
Gvardiol ayaa kubad madax ah ku dul mariyay goolhayaha City stefan Ortega, kaasoo si deg deg ah khadka ugu baxay, isagoo Garnacho kaga tagay shaqada fudud ee ah inuu shabaqa madhan ka taabto, iyadoo Teh Hag uu feedh ku qabtay isagoo dabaldegaya.
Garnancho, oo 19jir ah, ayaa ahaa dayarkii ugu horreeyay ee gool ka dhaliya Final FA Cup tan iyo Cristiano Ronaldo oo United u saftay kulankii Millwall 20 sano kahor. Kaliya Sagaal daqiiqo kadib 19jirka Mainoo wuxuu ciqaabay difaac aad u caajis badan oo City ah. Garnacho ayaa hoos ugu dhacay garabka Midig oo aan la hubin wuxuuna helay fernandes, kaas oo baaskiisii ugu horreeyay ee wacnaa uu gaadhay Mainoo aan la caalamadayn si uu u dhameeyo goolka.
City ayaa si adag u riixday intii lagu jiray waqtigii loogu talagalay laakiin inkasta oo darbadii Doku ay ka sii dhacday Onana si ay u dajiso dhamaadka ciyaarta, kuma filna in la beeniyo United. Markii ilbiriqsiyadii ugu dambeeyay ay iska sii socdeen, Ten Hag wuxuu istaagay qorraxdii isagoo si cabsi leh u sugaayay inuu u dabaaldegi guul la yaab leh oo kasban karta joogitaanka lama filaanka ah ee fulinta ama u adeegi karo duullimadkiisii ugu dambeeyay ee Man United.
0 Comments