Responsive Advertisement

Waxaa ay faahfaahin dheeraad ah ka soo baxaysaa howlgal ciidan oo lagu fuliyay Markab ay shalay afduubteen burcad badeed Soomaali ah

 


Jimco- Galinkii danbe ee shalay hay'adda howgalka Ganacsiga badaha ee Boqortooyada Ingiriiska ee UKMTO ayaa sheegtay in kooxo ay gudaha u galeen markab ganacsi oo maraayay meel aan sidaas ugu fogeen 420 Nautical Miles koonfur bari kaga beegan xeebta Magaalada Marka ee gobalka shabeellada hoose dhanka barina ka xigta Magaalada Caasmada ee Muqdishu.

Markabka oo la sheegay inuu ahaa kuwa xamuulka qaada laguna magacaabo MVBASILISK waxaa ka dul babanaayo calanka wadanka Leberiya. Sida ay sheegeen howlgalka ATLANTA ee Midowga Yurub ee ku Sugan Xeebaha Soomaaliya koox la rumeysan yahay inay yihiin kuwa burcad badeed Soomaali ah ayaa weerarka gaystay iyagoo watay labo doonyo oo ah kuwa yar yar.

War qoraal ah oo ay maanta soo saareen howgalka ATLANTA ayey ku sheegeen in howlgal ciidan ay ku qaadeen Markabka oo ilaa shalay uu ku gaaf wareegaayay markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Midowga Yurub ee ku sugan Xeebaha dalka Soomaaliya.

Howgalkan ATLANTA ayaa si Rasmi ah u xaqiijiyay in Ciidamadooda ay gudaha u galeen markabka ayna hubiyeen in shaqaalahii saarnaa Markabka ay badqabaan isla markaana aysan jirin koox burcad badeed ah oo saarnaa markabka xiliga ay howlgalkooda ku guda jireen sida ay ku sheegeen qoraal ay soo saareen maanta. Ilaa 17 shaqaale oo aan wali la sheegin dalalka ay ka soo kala jeedaan ayaa saarnaa Markabka MV BASILISK balse mid ka mid ah shaqaalihii saarnaa ayaa dhaawac ka soo gaaray intii kooxda bucad badeeda lo malaynaayo ay weerarku ku hayeen Markabka. Sida ay EUNAVFOR ATLANTA STRATCOM xaqiijiyeen " Qofka dhaawaca ah ayaa hadda xaaladiisu caafimaad ay aad u wanaagsan tahay, wuxuuna helay daryeel caafimaad oo wanaagsan ayna hada xaaladiisa aad u wanaagsan tahay, wuxuuna helay daryeel caafimaad oo ay u fidiyeen kooxda caafimaadka ee ATLANTA " ayaa qoraalkiisa la raaciyay.

Howgalka ATALANTA ayaa muujinaayo diyaarad nooca qumaatiga u kacda oo dul taagan iyo ciidamada oo gudaha u galaya Markabka. Howlgalku euxuu sheegay in raggii weerarka ku qaaday Markabka ay ka baxeen ka hor intaysan markabkooda dagaalku ku soo dhawaan MV BASILISK" Markabku waa xor hadda wxuuuna sii wadanayaa safarkiisa isagoo ku sii jeeda Dekada xigta ee qorshihiisa" ayaa qoraalka ATALANTA lagu sheegay.

Markabka ayaa ka soo shareecday Magaalada Dekadda leh ee Mindelo oo ku taal Waqooyiga Jaziirada SAO VICENTE ee dalka Cape Verde isagoo ku sii jeeday dakadda Jabal Cali ee Dalka Imaaraadka Carabta. Hadda lama oga dakadda xigta ee uu ku xiran doono Markabka MV BASILISK kadib Markii laga hortagay Weerarka lagu qaaday galinkii danbe ee daraad.

Intii u dhaxeysay 2008dii ilaa 2018dii burcad badeeda Soomaalida waxay dhibaato ka geysteen biyaha xeebaha Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah, waxayna weeraradoodu halis galiyeen ganacsiga dunida. Laakiin waxay div howlgaladooda u soo celiyeen sanadkii hore markaas oo tiro aan badnayn oo Maraakib ganacsi ah ay ka afduubteen biyaha Caalamiga sida ay sheegeen hay'addaha amaanka ee Puntland ee Soomaaliya.

Maraakiibta ganacsi oo ka mid ahaa MV Abdullah oo laga leeyahay dalka Bangaladhesh iyo MV RUEN asagana laga leeyahay dalka Bulgaariya balse ku gooshayey Calanka dalka Malta ayaa ku dhacay gacanta burcad badeeda Soomaalida. Hase yeeshee Ciidamada Badda Hindiya ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya ayaa soo badbaadiyay todobo iyo toban shaqaale ah oo saarnaa Markabka MV Ruen oo muddo Saddex bilooda gacanta ugu jiray burcad badeeda Soomaaliya. Sida ay baahiyeen ciidamadda badda ee dalka Hindiya. Warar aynu xaqiijinay Khalifmedia isla markaana ah warar madaxbanaan ayaa sheegaaya in Markabkii MV Abdullah burcad badeedu ka qaateen lacag madax furusho ah balse markabka ayaa la sii daayay ciidama badda ee Hindiya ayaa howlgaladii ay ka fulitee Xeebaha Soomaaliya waxay gacanta ku dhigeen ku dhawaad ilaa iyo 35 Ruux oo burcad badeed Soomaali ah ay ku sheegeen markii danbana la geeyay wadanka Hindiya.

Puntlland oo xeebaheeda inta badan la geeyay markiibtii la soo afduubay dhamaadka sanadkii tagay iyo bilowga sanadkan ayaa sheegtay inay dhanka bariga ka bilaabeen howgalo ciidan oo ay kaga hortagayaan bucad baddedda oo xeebahooda ku sii bata, Galmudug iyo Puntlland ayaa bilowgii sandihii 2088dii ilaa 2010kii ahaa deegaanada ugu badan ee xeebahaas lagu haystay maraakiib la soo afduubtay isla markaana intooda badan markii danbe lagu sii daayay madax furasha ay ka qaateen burcad badeeddii haystay.

Post a Comment

0 Comments